Weerar Daacish Ka fulisey Masjid oo 12 wadaad ay ku dileen

0

Isis Fighters, Pictured On A Militant Website Verified By Ap.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay weerar ka dhacay masjid ku yaalla dalka Afgaanistaan,waxaana lagu dilay 12 wadaad oo halkaasi kusugnaa.

Degmada Shakar Darax ayaa hoostagta Gobolka Kabul,waxaana la tilmaamay in Daacish ay jebiyeen xabad joojintii Daalibaan la gashay Dawlada afgaanistaan Maalmaha ciida loo dabaal degayey.

Dadka la dilay waxaa ku jira Imaamkii Masjidka waxaana la sheegay in xaalada ay markii dambe caadi kusoo laabatay.

Isbuucii lasoo dhaafay waxaa jirtay iskuul gabdhaha wax ka baranayeen oo la isku miidaamiyey xilligaasna waxaa ku dhaawacmay 50 qof.