Guddiga Fatahaada HirShabelle Oo mar kale eedeyn ujeediyey Wasiir Beyle

0

Beyle

Guddiga Arrimaha Fatahaada ee Maamulka Hirshabelle ayaa ka jawaabay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Maaliyadda Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Guddiga ayaa sheegay in warbixinta aheyd mid is difaacid ah oo aan ka turjumeyn xaqiiqada dhabta.

Guddiga ayaa sheegay in 9 bilood ay ka soo wareegatay heshiis is faham ah oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada iyo Maamulka Hirshabelle.

Wasiir Beyle ayaa maalmo ka hor weji kale uyeelay Eeda loo soo jeediyey balse HirShabelle ayaa ku sheegtay haddii mas’uuliyad la iska saari lahaa ballan qaadkii la sameeyey in lagu fulin karay mashruucaan muddo kooban dhibaatadaasna aysan soo noqon laheyn.

Maamulka Hirshabelle waxay sheegeen inuu aaminsan yahay in waxa sababay dhibaatada ay tahay dib u dhaca ku yimid mashruucii wax looga qaban lahaa ka hortagga fatahaada iyo howlwadeenada mashruuca oo aan fikir ka heysan deegaanka sida warka dambe HirShabelle lagu sheegay.