Xukun lagu riday Shakhsiyaadkii Dilay Marxuum C/xakiin dhega juun

0

Shuute

Guddi Dawlada usaartay Kiiskaasi inay baaritaan kusoo sameeyaan ayaa warbixin ay soo saareen,iyadoo marxalado kala duwan gal dacwadeedka iyadoo gar maqalka ugu dambeyn go’aan laga gaaray.

Xukunka Maxkamada ayaa lagu sheegay in shil uu ahaa,balse uusan kutalo gal aheyn.

Gaashaanle Shuceyb Cabdi Maxamed Taliyihii Howlwadaag Shan sano xabsi ciidan inuu gaabin howshiisa.

Dable Boolis Bishaar Axmed Cabdi 5 sano xabsi,baxsad iyo taxadar la’aan

Jamaal Isxaaq cali

Faarax Sabriye Afrax

Dhiblaawe Ibraahim Yuusuf

Kulmiye Kaariye Cali

Labo sano ayey ku xukuntay afartaasi oo askar ahaa,maadaama ay ku lug yeesheen rasaastii lagu furay gaariga Marxuumka.

Waxa lagu xukumay sidoo kale shakhsiyaadkaasi inay bixiyaan Magta marxuumka iyo dhaawaca askarta kale ee dhibku gaaray daaweyntooda.