Shariif & Guuleed oo taageeray Qorshaha Rooble Shirka Berri furmaya

0

Guuled Shariif

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo qabsoomidda shirka khamiista lagu balansanyahay ee looga hadlayo dhameystirka heshiiskii 17 September, si dalka ay uga dhacdo doorasho lagu wada qanacsanyahay.

“Waxaan rajeynayaa kulanka 20-ka bishan loo madlan yahay, kaas oo looga hadlayo dhamaystirka heshiiskii doorasho ee 17 September inuu noqdo mid mira dhal ah oo guulaysta si dalku u galo marxalad doorasho oo nabdoon, raallina laga wada yahay, taasoo fure u noqon doonta in lagu qanco natiijada Doorashada”.ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Dhinaca kale Murashax Madaxweyne C/kiriin Xuseen Guuleed ayaa ka hadlay Shirka loo madlan yahay 20-ka bisha oo ah shir ay dhamaan bulshada Soomaaliyeed iyo beesha  Caalamkuba ka dhursugayaan inuu soo afmeeri doonno khilaafaadkii iyo kala aragti duwanaashahii hareeyay qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah,  shirkaas ayaan waxaan u rajeynayaa inuu guuleysto, ayna ka soo baxaan go,aano horseedi kara in dalku ay ka dhacdo doorashadii mudada dheer la sugayey.

“Waxaan yadadiilo  ka qabaa in dadaalada Ra’iisulwasare Rooble iyo xukuumaddiisa ee ku aadan najaxinta shirkaas iyo qabashada doorasho hufan ay mirro dhalaan. Anigoo dhicyadeena oo idilna ku boorinaya in la muujiyo dabacsanaan iyo tanaasul suurto galin kara qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo hufnaanteeda..