Ugu yaraan lix sano oo xabsi ah ayuu wajihi karaa Wiil u dhashay Indonesia oo muuqaal uu Tiktok dhigay ku boorriyay in la laayo Falastiiniyiinta.
Sharciga Internetka ee Indonesia ayaa qabana wiilkan 23 jirka ah oo bartiisa Tiktok ku baahiyay muuqaal uu ciwaan uga dhigay “Gowrac Falastiiniyiinta”.
Hadal heyn badan ayuu ka abuuray gudaha Waddanka Indonesia oo ah dalka ay ku noolyihiin Muslimiinta ugu badan Caalamka.
Ilaa 700 oo qof ayaa loo xiray 2016 ilaa 2020 kaddib markii ay xadgudub ku sameeyeen sharciga Internetka ee dalka Indonesia.