Tan iyo markii 22 Agoosto Sanadkii 2019-kii doorasho muran badan dhalisay kusoo baxay Axmed Madoobe kadib waxa uu xalay saqdii dhexe magacaabay Liiska Golihiisa Wasiirada cusub.
23 wasiir,22 Wasiir kuxigeen iyo 5 wasiiru dowle ayey ka kooban yihiin Golaha waxaana kasoo dhex muuqday C/naasir seeraar oo ay doorashada Jubbaland isku hayeen.
Xirsi Jaamac Gaani & C/rashiid Jirre Qalinle ayaa loo kala badelay wasaaradaha iyadoo Booskii C/rashiid Janan ka tegay loo magacaabay General Yuusuf Xuseen Dhuumaal.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA
