Farmaajo oo ka hadlay geerida Madaxweyne kuxigeenkii hore Ee…

0

Farmaajo 11 640x427

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada  aaska Qaranka ee loo samaynaayo Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee  Dowladda Puntland Janaraal Cabdisamad Cali Shire.

Guddigan oo ka kooban  9-xubnood ayaa waxa hogaan looga dhigay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Puntland Cawil Shiikh Xaamud

Waxaa Xubno ka ah Gudigaasi Wasiirada Xanaanada ,Caafimaadka,Maaliyadda iyo Taliyeyaal ciidan.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Marxuumka isagoo yiri:

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun. Marxuum Cabdisamad Cali shire  waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ina ga siiyo.”