Mid ka mid ah Wasiiradii Xalay Jubbaland La magacaabay oo is casilay

0

Cali Ifiye Ali

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Beeraha Ee Jubbaland ayaa xalay waxa loo magacaabay Ugaas Cali Aadan Sokor,balse maanta barqadii ayuu sheegay inuusan raali ka aheyn xilkaasi.

Qoraal uu bartiisa gaarka uu ku daabacay ayuu Cali Ifiye ku sheegay sidaan:

Jubaland State House

Dhammaan Waxaan u hambalyeynayaa Golaha Wasiiradda Cusub Ee Jubbaland Ee La magacaabay ,

Madaxweyne Axmed Maxamed islaam iyo Xubnaha kale ee ka tirsan Golayaasha DFS waxaan ugu mahadcelinayaa isku day-goodii iyo garab istaagga ay ii muujiyeen, balse  nasiib ayaan ii saacidin duruufo jiro awgood ma  #aqbalin Wasiir Xigeen ,

Kamana mid ihi Wasiiradda magacaaban.

Waxaan Guud ahaan jubbaland u rajeynayaa horumar iyo horusocod

Mar walba waxaa igu weyn in aan ahay qof halgankii jubbaland kaalin ku lahaa ,

Waxaan u rajeynaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed horumar iyo baraare

#Jubbaland

#ha guuleysato