Wasiir cusub oo la magacaabay Wasaarada Caafimaadka

0

Ukraine Conflict Parliament

Baarlamaanka Waddanka Yukreyn ayaa ansixiyay wasiirka cusub ee caafimaadka waddankaas si loo dedejiyo tallaalka Covid19.

Wasiirka cusub ayaa horay u ahaa wasiir ku xigeenka Wasaaradda caafimaadka waddanka Yukreyn,waxaana uu beddelay wasiirkii uu ku xigeenka u ahaa.

Wasiirkii hore ayaa lagu eedeeyay in uu ka gaabiyay ka hortagga Covid19 iyo dedejinta Tallaalka Caabuqa Karoonaha oo fara ba’an ku haya Waddankaas.

Yukreyn waxaa ay ka mid tahay waddamada Yurub ee uu sida xun u saameeyay Caabuqa,waxaana kaliya tallaalka goojada 1aad qaatay hal Milyan oo qof oo ka mid ah 41ka Milyan ee dadka Waddankaasi.

2.2 Milyan oo qof ayuu ku dhacay Caaquba Karoonaha Waxaana u dhintay ilaa hadda 49,000 qof oo ka mid ahaa Dadka Dalkaas.