Howlgal xubno katirsan AL shabaab lagu dilay oo laga fuliyey…

0

Al Shabaab

Howlgalkaan oo ahaa mid qorsheysan ayey Ciidamada Xoogga dalka ka fuliyeen Deegaano katirsan Gobolka Hiiraan.

Ururka 41-aad Guutada 5-aad Qeybta 27-aad oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Dagmada Buulo-burte iyo tuulooyin hoos-yimaado ayaa waxay ku bur-buriyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas sida saraakiisha qa.

Labo xidigle Xuseen Xasan Joodax (Xuseen Horow) oo hoggaaminayay howlgalka ayaa sheegay in ay deegaanka Afcad ku dileen ilaa iyo lix ka tirsan Al-Shabaab Sida uu warka udhigay.

Howlgalka ayaa ka dambeeyey kadib markii, Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku qaadeen degmada Buula-burte saacado ka hor.

Ma jirto faah faahino intaas ka badan oo laga helay dagaalka dhacay iyo khasaaraha la sheegay in Al Shabaab la gaarsiiyey.