Golaha Amaanka QM oo maanta ka shiraya Xaalada Soomaaliya

0

190257723 4047243795330731 2788929983428636335 N

Kulan aan caadi aheyn ayey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay maanta shir ka yeelan doonaan arrimaha Soomaaliya.

Kulanka oo ka dhacaya New York ayaa waxa  qodobbada ay ka hadli doonaan ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadamnimada ka jirta Soomaaliya.

Waxaa warbixinno kooban siin doona Golaha Loo dhan yahay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, uqaabilsan Soomaaliya James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Waxa uu ka hadli doonaa geedi socodka doorashada dalka iyo shirka ka socda Afisiyooni waxa laga filan karo,islamarkaana doorkoodii Xafiiska UNSOM ka qaateen isku keenida dhinacyada Saamileyda Siyaasada Soomaalida ee kala fikirka duwanaa.

Gelinka dambe ayuu shirka dhici doonaa abaare 5:00 galabnimo wakhtiga soomaaliya marka ay ku beegan tahay.