Lafta gareen oo kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Itoobiya Ee Soomaaliya

0

190147996 811324326170873 4255684585653002872 N

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa Hoyga uu ka Deganyahay Muqdisho ku qaabilay Musharax Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Qaabilaad iyo kala Warqaadasho kadib Madaxdu waxay ka wada hadleen xaalada Dalka iyo Arimaha Doorashooyinka.

Guuleed ayaa bogaadiyey doorka Lafta gareen ee xal ka gaarista khilaafka siyaasi ee ka dhashay Doorashada.

Dhinaca kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la kulmay Safiirka Dowlada Itoobiya ufadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdulaahi Xasan.

Labada Mas’uul ayaa ka arinsaday Xoojinta iskaashiga iyo Howlgalada lagu Ciribtiraayo Alshabaab.