Madaxweyne,Ra’iisal Wasaare & Wasiirkii Gaashaandhiga oo la xiray

0

Ciidamada meliteriga Dalka Mali ayaa xabsiga utaxaabay Madaxweynihii Dalkaasi Baah Indhaaw,iyadoo sidoo kale la xiray Ra’iisal Wasaare Muqtaar Uwaane.

Mas’uuliyiinta Meliteriga ay xabsiga dhigeen waxaa ka mid ah Wasiirkii Gaashaandhiga Dalkaasi,waxaana xaalad cakirnaan ah ay gashay dalkaasi siyaasadeeda.

Qaramada Midoobeey iyo Midowga Africa ayaa cambaareeyey Xariga madaxdaasi,iyadoo Madaxweyne Baah Indhaaw oo si kumeel gaar ah Xilkaan loogu caleemo saaray 25-kii September sanadkii hore 2020-kii.

Wararka laga helayo saaka oo Talaada Ah Magaalada Bamaako Caasimada Mali ayaa sheegaya in heegan la geliyey Meliteriga xilli Madaxdii Dalkaasi ugu sareysay Xabsi ku jiraan weli.