Maleeshiyo beeleedkii ku dagaalamay Beled weyne oo la kala qaaday

0

191161072 914389425794838 7315050756410973554 N

Waxaa maanta barqadii La kala qaaday maleeshiyo beeleedkii dhawaan ku Dagaalmay Duleedka Waaqooyi Galbeed Ee Magaalada balad weyne.

Dhowrkii maalin lasoo dhaafay waxaa Beled weyne ka socday shir ay lahaayeen waxgaradka Labada Beel iyo Wafdi ka socday Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedka HirShabelle.

Gudoomiye  Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka  HirShabeelle Siraaji Sheekh Isaaq oo wafdigaasi horkacayey ayaa ku guuleystay in la dhameeyo xiisadii gacan ka hadalka sababtay.

Wasiir Kuxigeenka Gaashaandhiga, Wasiirul Dowladaha Cadaalada, Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan, Sentaro, Wasiiro iyo xildhibaano katirsan hirshabelle,  ayaa kormeeray Goobaha maleeshiyo beeleedka la kala qaaday iyo halka La kala geeyay.

Gudoomiye Kuxigeenka 1aad baarlamaanka Hir-shabeelle  Siraaji Sheekh Isaaq ayaa  sheegay in wejigii koobaad lagu guuleystay in maleeshiyaadka la kala qaado balse wixii dhiman ee dhibka laga wada hadlo ay beelaha waxgaradkooda iska arki doonaan.