Dagaal ka dhacay Duleedka Jowhar oo deegaano Al Shabaab looga saaray

0

Ciidanka 65

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa waxa maanta uu gaaray deegaanka War ciise Ee Gobolka Sh/dhexe.

Deegaankaan ayaa waxa uu hoos yimaadaa Magaalada Jowhar iyadoo ciidamada ay howlgalo ka sameeyeen tuulooyin ku dhaw.

Inta howlgalka socday ayaa waxa bilowday dagaal udhaxeeyey ciidamada Xoogga & Al Shabaab.

Dagaalka Ayaan la ogeyn khasaaraha waxaana ciidamadu ay howlgalo qorsheysan ka fuliyeen deegaanada kala ah:

War dhagax, war ciise, gaal leef, qoor dheere, jilable iyo Cali Fooldheere,waxaana deegaanadaasi hore ugu sugnaa Al Shabaab.

Saraakiisha hogaamineysa howglka waxay sheegeen in ciidamada xoogga dalka la wareegeen dhamaan deegaanadaasi mana aysan sheegin khasaaraha gaaray iyo kuwa al shabaab la gaarsiiyey.