Xogta Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga oo yimid Nairobi

0

71 303

Faysal Bin Farxaan Al Sacuud, oo ah wasiirka Arrimaha dibadda ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Kenya ku tagay booqasho, sida ay shaacisay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya.

“Wasiirka ayaa Nairobi u jooga wadahadallo la xiriira xoojinta xiriirka labada dal,” ayaa lagu yidhi Bayaan ay wasaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Sacuudiga ayaa dooneysa inay mashaariicyo kala duwan heshiis ah la gasho dhigeeda Kenya.

Lama faah faahin mashruucyadaasi iyo waxay noqon doonaan,balse imaaraat-ka carabta iyo Dawlada Qatar ayaa ku baratamaya heshiisyo ganacsi ay dalkaan geeska Africa dhaca la saxiixdaan.

Waddamada carabta ayaa markaan suuq geyn ka raba badeecadaha ay soo saaraan si ay uhelaana waxay xod xodasho iyo heshiisyo ka rabaan dalalka Africa.