Guddiga La dagaalanka Musuq maasuqa oo ka shiray Arimo muhiim ah

0

B

Kulankaan ay yeesheen Guddiga Madaxa Banaan ee La dagaalanka Musuq maasuqa Dalka Soomaaliya ayaa waxay kaga hadleen habraaca iyo Xeerarka ay ku shaqeyn doonaan.

Waxa uu ahaa kualnkoodii Afaraad tan iyo markii la magacaabay Guddiga,iyagoo ka dooday Xeer hoosaadka,Xeerka Anshaxa guddiga,Qorshe Howleedka lixda bilood iyo istaraatiijiyada Wacyi gelinta bulshada la dagaalanka iyo ka hortega Musuq maasuqa.

Gudoomiyaha Madaxa Banaan ee La dagaalanka Musuq maasuqa Dalka Soomaaliya Dr Maxamed Xuseen Xaamud ayaa xubnaha Guddiga siiyey Warbixin guud waxyaabaha uqabsoomay iyo shaqooyinka horyaalla.

“waxaa guul noo ah in guddiga uu qabtay shaqooyin muhiim ah,oo waxtar uleh horu socodka shaqada guddiga Madaxa banaan Ee La dagaalanka musuq maasuqa”.

Gudoomiye Xaamud waxa uu sheegay inay diyaariyeen dhamaan macluumaadka ugoonida ah guddigooda taas oo fududeneysa in bulshada si sahlan ku fahmaan shaqada ay hayaan.

Guddigaan oo 4-tii bishaan May doortay hogaankiisa ayaa waxay iminka ku howlan yihiin sidii ay shacabka usiin lahaayeen goobo gaar ah oo ay cabashooyinka la xiriira musuq maasuqa ay la kulmaan kula soo wadaagi lahaayeen.