Madaxweynaha Faransiiska oo dalka Rwanda utegaya Arin gaar ah

0

F8bd550bdf116527df43caa273588201

Madaxweyne Emanual Macron ayaa khamiista maanta waxa u bilaabanaya socdaal uu ku tegayo Magaalada Kigali Caasimada dalka Rwanda.

Waxa uu la kulmi doonaa Madaxweyne Paul Kagame,iyadoo labada Mas’uul ka hadli doono eedii Xukuumada Paris loo jeediyey ee aheyd xakameyn la’aanta xasuuqii 1994-kii ee Dalkaasi ka dhacay.

Qabiilada Huutuuga iyo Tuutsiga ayaa kumanaan qof iskaga dilay xasuuqii Rwanda oo haatan laga joogo 27 sano,iyadoo Faransiiska uu joojin waayey sida la sheegay dagaal beeleedkaasi.