Deegaanada Puntland oo maanta laga bilaabay wejiga labaad Talaalka Covid19

0

Covid Vaccine Syringe

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa maanta furay Talaalka wajiga labaad ee Covid19 taas oo laga degaanada Puntland ka bilawday wajiga labaad ee talaalka Covid19.

Wasiir Jamac Farax Xasan ayaa munaasabada oo ka dhacday garowe ka daah furay talaalka wajiga labaad kaas oo isaguna qaatay talaalka, waxaa uu wasiirku dadweynaha reer Puntland kula dardaarmay inay dadkii horay uqaatay wajiga koowaad ee talaalka ay qataan wajiga labaad oo ah kan ugu dambeeya.

Dadweyne fara badan ayaan talaalka maanta ka qaatay xarumaha talaalka lagu bixinayo.

Talaalkaan ayaa loogu talagalay inay qataan shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo dadka qaba xanuunada dhiikarka, macaanka iyo neefta kuwaasi oo ah kuwa saamaynta ugu badan uu ku yeelanayo xanuunka marka uu ku dhaco.

Sidoo kale waxaa magaalada Boosaaso ka daahfuray talaalka wajiga labaad gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed isaga ayaana talaalka qaatay dadweynaha gobolka Bari faray inay dadkii talaalka horay uqaatay ay wajiga labaad qataan.

Talaalka ayaa mudo 5 maalmood ah socon doona iyadoo dadkii hore uqaatay la siin doono wajiga labaad.