DHAGEYSO: Arday aan maanta qeyb ka aheyn Imtixaanka shahaadiga (Sababta)

0

110148379 1946144488852814 5835371746807991432 N

Sida la filayo dhamaan gobollada dalka waxaa maanta oo sabti ah ka bilaabanaya ardaydana ufadhiisan doonaan Imtixaanka shahaadiga ee Dawlada Soomaaliya qaadeyso.

Ardayda dhigata fasalka 12aad ama Form forka ayaana isku diyaarin galay iyadoo imtixaanka ciidamada amniga ay ilaalo ka hayaan iyo kormeerayaal lasoo xulay.

Lataliye sare Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Cabdi Cumar ayaa sheegay in kudhawaad 42 kun arday imtixaanka ka qeyb galayaan,Si gaar ah Muqdisho waxaa ufadhiisanaya arday gaareysa inkabadan 26 kun,isagoo urajeeyey inay guuleystaan.

Waxa uu sheegay lataliyaha sare ee wasaarada inay jiraan arday aan helin kaarka imtixaanka taasina ay usabab tahay inay farsamo xumo dhacday tahay.

Waa sanadkii 7aad oo wasaarada Waxbarashada ay maamuleyso Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare,iyadoo arday badan ay sanadkii hore dhaceen kana gudbi waayeen natiijada looga baahnaa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA