DHAGEYSO: Kumaandoosta Gor gor oo tababar loogu soo xiray Turkiga

0

2 11

Tababarkaan Ay dhameysteen ciidamada Xoogga Dalka Qeybtooda Gor gor ayaa munaasabad ay dhoolatus kusoo bandhigayeen waxay ka sameeyeen Xerada ay kusugnaayeen oo ku taalla Magaalada Isbarta Ee Dalka Turkiga.

Saraakiisha ciidanka casharada siineysay waxay sheegeen in tababar muddo qaatay kadib ay udhamaatay dibna loogu soo celin doono Soomaaliya.

Uqeyb samaha Arimaha Ciidamada Ee Safaarada Soomaaliya ku leedahay Dalka Turkiga General Maxamed Maxamuud Garabeey ayaa ka warbixiyey tababarkaasi iyo waxa laga rajeenayo ciidamadaasi markii ay Soomaaliya kusoo laabtaan.

Waa dufcadii 7aad ee tababar ku qaadata Dalka Turkiga qeybna ah ciidamada kumaandoosta Soomaaliya Ee Gor gor,iyagoo ka qeyb qaata howlgalada gaarka ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA