DHAGEYSO: Xildhibaano katirsan Galmudug Oo sii cusleeyey Arinta Balanbal

0

Balanbal

Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafka ka dhashay Golaha Deegaanka Cusub Ee loo sameeyey Magaalada Balanbal ee Gobolka Gal gaduud.

Xildhibaan Khaalid Cabdi Yuusuf oo kasoo jeeda Balan bal kana tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku doodaya in sharci tahay Golaha Deegaanka la sameeyey.

Halkaan Hoose ka dhageyso codka


War kaasi ka duwan waxaa isna shaaciyey kuna tilmaamay mid lasoo dhoodhoobay golaha Balan bal laga sameeyey Xildhibaan C/khadar Juun Barre isagoo sheegay in Deegaanka lawada dego oo aysan beel gaar ah isa siin Karin sida uu warka udhigay.

Halkaan Hoose ka dhageyso codka

Lama oga halka ay ku biyo shuban doonto khilaafka ka taagan dhismaha goleyaasha deegaanka Ee degmooyinka qaar Galmudug.