Madaxweyne Kumeel gaar ah oo Mali looga dhigay Ninkii ka dambeeyey…

0

Assimi Goita

Dalka Mali ayaa waxaa si kumeel gaar ah Madaxweyne loogu dhiibay Hogaamiyihii ka dambeeyey Afgembigii ka dhacay dalkaasi sanadkii hore.

Asimi Goita ayaa noqonaya madaxweyne kumeel gaar ah sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Maxkamada Dastuurka dalkaasi.

Afgembigii dhacay Isbuucii hore ayaa waxa xilka ku waayey Madaxweyne Bah Ndaw,Ra’iisal Wasaare Muqtaar Uwaane iyo wasiirkii Gaashaandhiga.

Golaha Amaanka QM iyo Xubno katirsan Midowga Africa ayaa cambaareeyey inqilaabka cusub ee lagu bur buriyey dawladii Dalkaasi ka jirtay.

Madaxda la afgembiyey dhawaan ayaa xabsiga la dhigay inkastoo maalmo kadib lasii daayey,waxaana Mali oo dhacda galbeedka Africa weli ka jira siyaasad aan salfadhin maadaama 10 bil gudaheed labo jeer Inqilaab meliteri ka dhacay.