Qoyska Askari Al Shabaab Afduub uheystaan oo war cusub soo saaray

0

Xarakada Al Shabaab Kenya 640x431

Xubno ka mid ah Qoyska  Gershom Wanyonyi oo muddo shan Snao ah gacanta ugu jira AL shabaab ayaa ka codsaday Dolwadda Kenya gaar ahaanna Madaxweynha Waddankaas Uhuru Kenyatta in u ka shaqeeyo sidii loo siideyn lahaa wiilkooda.

Hooyada dhashay Askarigan ayaa sheegtay in Isniintii la soo dhaafay ay wiilkeeda ka aragtay baraha Blshada isaga oo Madaxweynaha kenya ka codsanaya in laga qeyb qaato badbaadadiisa,waxaana ay dwladda Kenya ka dalbatay in laga caawiyo sidii ay dib ugla midoobi laayd wiilkeeda.

Gershom Wanyonyi , ayaa ka mid ahaa Askar ay AL  shabaab nolosha ku qabteen intii u socday dagaalkii Ceel Cadde ee Gobolka Gedo halkaas oo sidoo kale lagu sheegay in lagu dilay Askar 200 ku dhow.

Dowladda Kenya ayaa iska dhga tirtay baaq ay dhowr jeer jeediyeen Maxaabiista dagaalkaas ay ku qabsadeen AL shabaab iyaga oo ka codsadcay Dowladda Kenya in Ciidankeeda ay ka saarto SOomaaliya si ay iyaga u badbaadaan.

Gershom Wanyonyi , ayaa intii uu isaguna ka hadlayay muuqaalka waxaa uu isweydiiyay sababta ay dowladda Kenya uga aamusantahay baaqa Maxaabiis isaga ka horreysay horay ugu jeediyeen Uhuru Kenyatta oo ahaa in laga badbaadiyo gacanta AL shabaab.

Hooyadiis Rizpah Wasike, ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay in uu noolyahay wiileeda oo ay ugu dambeysay shan sano ka hor,hayeeshee a Dlwadda Kenya gaar ahaanna Uhuru Kenyatta ka cdsaneyso sidii uu ugu laaban lahaa xubnaha qoyskiisa.

Gershom ayaa yiri ” iyaga ayaan difaacenay laakiin waxaa ay noogu abaalgudeen sidan, waxaa ay waqti gelinayaan sidii ay isu ilaalin lahaayeen, marna kuma fakarayaan sidii nalooga saari lahaa gacmaha Al-shabaab”.