DHAGEYSO: Sheekh Shariif Oo fariin deg deg ah udiray RW Rooble

0

Shariif 1

Gudoomiyaha Midowga Murashaxiinta Madaxweynaha Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa uu ka hadlay sida markaan Soomaalida isku duubni usameysay.

Waxa uu shariifku sheegay in guul aheyd Heshiiskii dhawaan lagu saxiixay Magaalada Muqdisho Ee doorashada uu soo gaba gabeeyey kala aragti duwaanshiyadii jirtay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inay doonayaan hirgelinta heshiiska la gaaray sida ugu macquulsan iyadoo loo marayo wada shaqeyn iyo ka murashaxiin ahaan ay diyaar uyihiin wixii taageero looga baahdo.

Madaxda Dawlad Gobolleedyada ayaa dib ugu laabanaya deegaanadii ay ka yimaadeen,si toos ahna waxaa looguda geli doonaa doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare,xilli Lixdan cisho doorashada guud in lagu soo gaba gabeeyo lagu ballansan yahay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA