Maxaa ka cusub Saaka Magaalada Cadaado Ee Gal gaduud?

0

Cadaado2 620x330

Mashaariicyadaan hormarineed ayaa ah mid la doonayo in dadka Deegaanka uga faa’iideystaan adeegyada Caafimaadka ay ubaahan yihiin.

Agaasimaha Cusbitaalka Cadaado Dr Ayuub C/qaadir ayaa sheegay inay ku dedaaleen ka maamul ahaan sidii wada shaqeyn ula yeelan lahaayeen bahda Caafimaadka si loo kordhiyo mashaariicyada hormarineed,isagoo umahad celiyey Hay’ada Save The Children.

Dr Axmed Xuseen Gureey Wasiir Kuxigeenka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariicdaan in la daah furo ay ku timid isku xirnaanta wasaarada iyo Hay’adaha ka shaqeeya Caafimaadka.

Ugu dambeyn Bulshada ku dhaqan Cadaado ayaa soo dhaweeyey Mashaariicyadaan caafimaadka ee laga hir geliyey Deegaanka islamarkaana ay sheegeen xilligii loo baahnaa lagu soo aadiyey.