Rooble oo guddiga doorashada xubnihii muranka dhaliyey oo…

0

193800748 2992717567626024 1913090961459764194 N

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska R/wasaare Rooble ayaa duhurnimadii waxa uu ku magacaabay Guddi heer Wasiir Ah.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddigaan heerka wasiir ah u magacaabay inay ka shaqeeyaan xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee ay cabashadu ka jirto sida ku cad qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee doorashooyinka.

Midowga murashaxiinta ayaa hore ashtako uga gudbiyey gudiggaasi oo ay sheegeen in saraakiil NISA katirsan iyo shaqaalaha rayidka ay ku jireen guddigii la magacaabay.

Inkastoo Maxamed Xasan Cirro Gudoomiyaha guddigaasi uu hore usheegay inaysan jirin shaqaale rayid iyo NISA xubno katirsan hadana waxaa Rooble uu doonayaa inuu kala shaandheeyo shakhsiyaadka la tuhmay booskoodana xubno kale la magacaabo.

Ma cada sida ay Guddiga Wasiirada la magacaabay ay kaga soo fal celiyaan xaqiijinta ay sameyn doonaan marka loo soo gudbiyo liiska magacyada xubnaha.