DHAGEYSO: Maxkamada CQS oo xukun dil ah ku riday Askari dil geystay

0

Capture

Gal dacwadeedka loo heystay Askari katirsan Booliska Soomaaliya oo ka howlgalayey HirShabelle ayaa waxa lagu riday xukun dil ah,kadib markii Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ay dhageysatay Xeer ilaalinta dacwada ay soo gudbisey.

Dable Boolis Cabdi Xuseen Maxamuud Xasan ayaana qirtay falka dilka uu geystay iyadoo khisaasta marxuumka uu dilay laga oofin doono.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada koobaad ee ciidamada Qalabka sida qeybteeda 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Aadan Cabdulle ayaa shaaciyey xukunka ay soo saareen ee dilka ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo maxkamada ciidamada qalabka sida xukun ku rido xubno lagu helay inay dilal geysteen.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA