Lafta gareen oo casuumay siyaasiyiin saameyn ku leh Deegaankiisa

0

193213903 815003829136256 1154469402094507496 N

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Muqdisho kaga qeybgalay kulan isugu jiray qada sharaf iyo kala warqaadasho uu Gudoomiyihii hore Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu usameyey Gudoomiyaashii hore Baarlamaanka iyo Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Inta badan siyaasiyiinta kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa xaadiray Kulanka kuwo miisana leh ayaa ku jiray sida Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo labaduba gudoomiyeyaal kasoo noqday Golaha Shacabka.

Jawaari oo xilka uga horeeyey Maxamed Mursal ayaa iyaguna kulan gaar ah kasoo muuqday ay Siyaasiyiinta fadhiyeen.

Madaxda waxay iska xogwareysteen Xaalada Dalka iyo Arimaha Doorashooyinka.