Wafdi Dawlada Dhexe ka socda oo gaaray Magaalada Beled weyne

0

191951500 917764455457335 8447993471098543285 N

Mas’uuliyiinta maanta tegay magaalada Beled weyne ayaa iskugu jira Wafdi Wasiiro ka socda Dawlada Federaalka & Wasiiro katirsan Maamulka HirShabelle.

Wafdigaan waxaa hogaaminayey Axmed Maxamed Iimaan oo ah Agaasimaha Guud Wasaaradda Howlaha Guud Xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Waxa qeyb ka ah wafdigaasi Wasiirka howlaha Guud Ee HirShabelle Jaamac Xuseen Xaashi,Wasiirka Maaliyada HirShabelle Maxamed Cabdulle Dheere, Wasiirka Ganacsiga Yaxye Ismaaciil & xubno kale.

Soo dhaweyn loogu sameeyey Garoonka Diyaaradaha Ugaas khaliif Ee Magaalada Baladweyne kadib loo galbiyey Gudaha Magaaladaasi.

Ujeedka Mas’uuliyiintani utageen Beladweyne ayey Mas’uuliyiinta Sheegeen inay tahay dhagax dhiga Mashaariicyo hormarineed oo Laga fulinyo Caasimada Gobolka Hiiraan Sida dhismaha Waddooyinka, fariisinta Nidaamka Maaliyada  Iyo howla kale.