DHAGEYSO: Amar Culus oo Gaalkacyo maanta laga dhaqan geliyo

0

Dagaalka

Duqa Degmada Gaalkacyo Ee Maamulka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan Oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay inay maanta bilaabaneyso shuruucda lagu hagayo gaadiidka Bajaajta loo yaqaano.

Waxa uu C/nuur sheegay in barnaamijkaan looga goleeyahay shatiyo cusub oo lasiinayo Bajaajta islamarkaana qeyb qeyb maalin walbo ushaqeyn doonaan si amniga loo xaqiijiyo.

Magaalada Gaalkacyo oo labo qeyb ka kooban waxa ka arimiya Maamulada Galmudug & Puntland mararka qaarna waxaa ka dhaca falal amniga lid ku ah oo dilal iyo qaraxyo iskugu jira.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA