DHAGEYSO: Tirinta codeynta doorashada Soomaaliland oo bilaabatay

0

Dadweynaha ku dhaqan Deegaanada Soomaaliland ayaa sugaya natiijada Doorashadii shalay ka dhacay Halkaasi taas oo hadda meelaha qaar laga bilaabay tirinta codadka doorashada la dhiibtay.

Golayaasha deegaanka iyo tan Wakiilada ayaana lagu tartamay waxaana xisbiyada Kulmiye,Waddani iyo ucid ay isha ku hayaan wararka kasoo bixi doona Guddiga doorashada Soomaaliland.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashada Soomaaliland C/rashiid Maxamuud Riyo raac ayaa sheegay in dadka ugu baaqayaan in xasilooni la muujiyo oo ay saacado kadib natiijada ku dhawaaqi doonaan.

Sargaal katirsan Guddiga Doorashada ayaa sheegay in goobaha qaar tirinta ay soo dhamaatay lana sugayo deegaanada kale oo weli ay socoto codadka tirintooda.


Qaar ka mid ah Bulshadii shalay codkooda dhiibtay ayaa ka warbixiyey dareenkooda ku aadan natiijada la filan karo inay soo baxdo.

Xisbi walbo oo doorashadaasi ku tartamay in kuraas fiican ka helo ayaa yadadiilo ka qaba in ay guuleystaan,hadana weli ma jirto cabashooyin soo baxaya oo ku aadan in ku shubasho dhacdo.

Kormeerayaal caalami ah ayaa kusugan Hargeysa si ay uga qeyb noqdaan indho indheyn ay ku sameeyaan sida ay doorashada udhaceyso,Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya Nicholas Berlanga ayaa waxa uu qeyb ka yahay kormeerayaasha doorashadasi isagoo bogaadiyey codeynta doorashada siday udhacday.