Mas’uull Katirsan DF Soomaaliya Oo taageeray Murashax Barkhad Batuun

0

194099962 359065752246960 8723708872358705662 N

Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa qoraal maanta barqadii uu soo saaray ku taageeray Murashax Barkhad Batuun oo Xisbiga Waddani katirsan doonayana inuu ku guuleysto doorashada Soomaaliland.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KOOFI

Barkhad Wuxuu Matalaya Bulsho Su’aal Qabta!

Aniga oo aan faragashaneyn, kana fiirineyn dhinaca siyaasadda, haddana waxaa i soo jiitey dareenka Soomaalida ee aan xuduudka laheyn ee ku aadan Xil. Barkhad Jaamac Battuun!

Marka hore waxaan Xil. Barkhad u rajeynayaa nasiib wanaagsan, iyo in uu Alle-weyne u rumeeyo hammigiisa iyo sida Soomaalidu la jeceshahey. Sharaxaad uma baahna sababta Soomaali oo dhan ay u daneyneyso Barkhad iyo halgankiisa.

Sida taariikhda laga dheehan karo, Soomaalidu Kontankii sanaba marbay xarigga goosan jirtey, xumaan ama samaan, waxaanse rajeynayaa in dareenka wanaagsan ee ku aadan Xil. Barkhad Jaamac Battuun uu horseedi doono sinnaan bulsho oo kala gaarta dhammaan dhulka Soomaalidu degto.

Dhibaatada Soomaalida heysata waxyaabaha lagu sababeeyo waxaa ka mid ah dulmiga, xaqiraadda, iyo diinta oo afka laga sheegto, waana arimo diinteenu si weyn inooga digtey. Ibliis wuxuu isaga oo aan munaafaqadeyney diidey amarka Allah, wuxuuna raacsadey codsi ah in la siiyo waqti uu ku duufsado dad naarta la gala, Allana waa ka aqbaley maxaa yeeley wuxuu ka fogaadey munaafaqad, xisaabtiisana dib ayaa loogu dhigey.

War dadku wax isma dheere Soomaaliyey oo Alle-weyne ayaa noo sheegey ee labo mid aan yeelno; munaafaqadda iyo ciyaarta aan ka deyno diinta oo aan ka run sheegno si Alle noogu gargaaro aakhiro iyo adduunba, ama aan warkeena caddeysano sida Ibliiska oo aan bannaanka ka istaagno (Alle nooma kaso tan).

Bal ka waran haddii lagu yiraa labadaada indhood midna waa 50 geel ah, mida kalana waa 10 geel ah? Bal ka waran haddii lagu yiraa labadaada gabdhood mid waa 100 geel ah oo yarad ah, midna waa 5 geel ah yaraddeedu? Bal ka waran haddii Wiilka ama gabadha kula fadhisa fasalka lagu yiraa wuu/way kaa sarreeyaa/sarreysaa ama way kaa sharaf badan yahey/tahey? Bal ka waran adiga oo kaadi ku gubeyso haddii lagu yiraa waa lagaa mudan yahey musqusha? Waan ogahey kuwaani ma ahan tusaaleyaal fiican laakiin waxaan ka leexanaya qaar kale.

Diinta oo laga run sheego, caddaaadda oo loo dhowaado, dulmiga oo laga fogaado, bini-aadamka oo la qiimeeyo, iyo sinnaanta bulsho oo hirgasha ayaan kaga bixi karnaa tiiha afartan dhaafey ee aanu ku jirno.

Dhammaanteen waxaan nahey Barkhad!