Baarlamaanka Jubbaland oo codka Kalsoonida siiyey Golaha Wasiirada Cusub

0

7754f7a6 F6ff 43fc Addc 526c7713b4af 696x522

Kulan maanta oo arbaco ah ku yeesheen Magaalada Kismaayo ayey Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ku ansixiyeen Golaha Wasiirada Dhawaan la magacaabay.

Kalfadhiga 3-aad fadhigiisi shanaad  ayuu ahaa kulanka maanta waxaana xaadiray xildhibaano gaarayey 51 mudane.

Cod kalsoonida oo ahaa mid gacan taag ah ayaa waxa wasiirada cusub ogolaatay 50 xildhibaan waxaana ka aamusay hal xildhiibaan,mana jirin Xildhibaan diiday,sidaas ayaana si cod aqlabiyad leh lagu meel mariyey Golaha Wasiirada La magacaabay Jubbaland.

Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa 20-kii May aan soo dhaafay ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada Cusub,kuwaas oo ka kooban 23 wasiir, 22 wasiir kuxigeen iyo 5 wasiiru dowle.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in la dhaariyo wasiiradaasi kadibna waxay guda gali doonaan la wareegida Xilalka si ay shaqooyinka wasaaradaha uga sii wadaan Meesha lasoo gaarsiiyey.