DHAGEYSO: Cabsi kusaabsan covid19 oo ka jirta Deegaanada Jubbaland

0

Covid 19

Waxaa weli shaqeenaya Xarumaha Magaalada kismaayo Ee lagu karantiilo dadka uu haleelo Caabuqa Covid 19,waxaana dhakhaatiirtu sheegeen in ay suurta gal tahay wejigii 3aad cudurka in la arko inkastoo talaalka uu wax badan xakameeyey.

Madaxa Wacyi gelinta Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Dawlad Gobolleedka Jubbaland Dr Cabdullaahi Aadan Xasan ayaa bulshada ugu baaqay inay qaataan fariimaha wacyi gelinta si looga baaqsado faafida Caabuqaan.

Waxa uu sheegay inay badi dadku iska indho tireen uhogaansamida awaamiirtii hore loo soo saaray ee aheyd xirashada Af xirka iyo in la kala fogaado.

Kismaayo ayaa waxay ka mid aheyd meelaha ugu badan ee dadka ugu dhinteen bilo ka hor caabuqa covid 19 waloow hadda guud ahaan Soomaaliya kiisas yar laga diin waan geliyo maalintii,hoosna uga dhacay intuu hore u ahaa cudurka dadka uu soo ridan jiray.

Halkaan hoose ka dhageyso codka