DHAGEYSO: Dawlada & Galmudug oo iska kaashanaya Mashruuc muhiim ah

0

194656670 316061669972537 2084975576861714288 N

Wasiirka Howlaha Guud & Guriyeynta Xukuumada Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) ayaa sheegay inay Dhuuso mareeb ka daah fureen Mashruuc lagu dhisayo laamiga udhaxeeya dhuuso mareeb iyo Qarandi Ee Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiinta halkaasi kusugneyd waxay sheegeen inay ka mahad celinayaan cid walbo oo ka qeyb qaadatay barnaamijkaan hormarinta ah.

Wasiir Maxamed Soomaali ayaa hoosta ka xariiqay in dhismaha jidkaan uu muhiim uyahay dadka safarka ah iyo kuwa deegaanka ku dhaqan lagana faa’iideysan doono laamiga la saaray Jidkaasi.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid  ayaa sheegay in hay’adaha ka qeyb qaatay Mashruucaan ay kaga mahad celinayaan bulshadana ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulka Galmudug.

Mashaariicyo kala duwan ayaa Dawlada Federaalka & Dawlad Gobolleedka Galmudug ka fulinayaan deegaanada Gobollada Dhexe,sida goobo waxbarasho oo la hirgelinayo,furitaanka Meelo bulshada Adeega caafimaad ka heli karaan iyo mashaariic kale.