DHAGEYSO: Dawlada oo sheegtay in dhaqaale ku filan heynin Doorashada

0

Kkkklogo Wasarrda

Iyadoo la isku diyaarinayo doorashada guud ee Soomaaliya in labo bil gudaheed lagu qabto ayaa hadana waxa soo baxeysa in dawlada federaalka ay muujineyso dhaqaale ku filan doorashada heysanin.

Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed C/risaaq Abuukar ayaa sheegay in lacag dhan 15 milyan loo qorsheeyey doorashada in ay ku baxdo hayeeshee uu hoosta ka xariiqay in dhamaan lacagtaasi wada heli Karin.

Waxa uu beesha Caalamka ka dalbaday inay ka taageeraan dhaqaalahaasi si doorashada mar kale dib uga dhicin oo la guda galo.

Hadalka Wasiir C/risaaq ayaa kusoo beegmaya xilli todobaadkii hore Muqdisho lagu saxiixay heshiiska doorasho ee dalka ka dhaceysa,iyadoo Wasiir beyle mar kale uu dalbaday dhaqaale lagu taageero Dawlada Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka