Gaari uu la socday Xasan Sheekh Maxamuud oo la rasaaseeyey

0

Galabta ayaa waxa la sheegay in rasaas lagu furay kollonyo gaadiid uu la socday Madaxweynihii hore Ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Falkaan ayaa waxa fuliyey Askar katirsan ilaaliyada Maxkamada Gobolka Banaadir,lamana oga sababta arintaas ka dambeysay.

Is rasaaseyn ayaa dhacday oo cabaar socotay,waxaana markii dambe xaaladu ay kusoo laabatay mid caadi ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ay maqlayeen rasaas culus muddo daqiiqado ah lamana oga khasaaro hadii uu jiro.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasocday gaadiidka xilliga la rasaaseenayey kollonyada gaadiidkiisa ah.

Wixii soo kordho dib kala socda insha allaah