DHAGEYSO: Wararkii udambeeyey Qarax xalay ka dhacay Kismaayo

0

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in xaaladu saaka deggan tahay kadib markii ciidamada Amaanka oo howlgal ku jiray Qarax bambaano lagu weeraray.

Ciidanka la beegsaday ayaa kusugnaa Isgoyska loo yaqaano Somali Star waxaana ku dhaawacmay Afar Qof oo shacab ah.

Dadka dhaawacmay waxaa ku jirta haweeneey da’ ah oo meesha caano ku iibineysay,sida ay xaqijiyeen dad goob joogayaal ah.

Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Jubada Hoose Maxamed Cabdi Sheekh Xujaale ayaa sheegay in howlgal habeenadii lasoo dhaafay la sameeyey ciidanku kusoo qabteen waxyaabo kala duwan wuxuuna faah faahin kooban ka bixiyey qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA