DHAGEYSO: Xasan Sheekh oo maanta hormaray halkii shalay lagu rasaaseeyey

0

Kadib shaqaaqadii shalay ka dhacday Meel ku dhaw Xarunta Maxkamada Gobolka Banaadir oo lagu rasaaseeyey Gaari uu la socday Madaxweynihii hore Ee Dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa faah faahin dheeraad ah bixiyey Taliska Asluubta.

Taliyaha Ciidamada Asluubta Soomaaliya General Mahad C/raxmaan Aadan oo saxaafada maanta la hadlay ayaa sheegay in ilaalada Xasan Sheekh ay rasaasta bilaabeen sida uu warka udhigay sidaana uu shilka udhacay.

Waxa uu General Mahad C/raxmaan ka hor yimid guddi baaritaan ah uu Wasiirka Cadaalada usaaray dhacdadaasi isagoo Taliyuhu sheegay in ciidanka laga qaldanaa ayna mudan yihiin in iyagu la raali geliyo.

Kadib falkaasi markii uu dhacay Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubno la socday ayaa si nabad gelyo ah uhormaray wadadii lagu rasaaseeyey.

Halkaan hoose ka dhageyso codka