Diyaarado dagaal oo duqeeyey Deegaano katirsan Gobolka Gedo

0

Duqeyn

Diyaarado dagaal oo ay leedahay Kenya ayaa waxay weerar duqeymo ah ka fuliyeen Deegaano katirsan Gobolka Gedo,sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Khasaaraha ka dhashay weerarkaasi weli waxa uu yahay mid aan la hubin inta uu gaarsiisan yahay hayeeshee dadka deegaanka ceel cade ku dhaqan ayaa xaqiijiyey in xaaladu tahay mid cakiran.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dhowr gantaal ku dhaceen Ceel cade iyo lukooleey,waxaana deegaanadaasi ka arimiya Ururka Al Shabaab.

Wariye kusugan Garbahaareey ayaa sheegay in Lukooleey ay isgaarsiinta maqan tahay dhinaca Ceel cade qoys ayaa gantaal haleelay waxa la sheegay in dhimasho iyo dhaawac uu gaarsiiyey.