Maareeyihii Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo xilka laga qaaday

0

Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Maariyaha garoonka Adan Cade Cabdi Ashkir ayaa lix sano kadib xilka laga qaaday sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareed lagu kalsoon yahay.

Ashkir ayaa xilka soo hayey Ilaa Dawladii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,isagoo qeyb ka ahaa Mas’uuliyiintii ku dedaalay in maamulka hawada soomaaliya dib loo soo celiyo kadib sanado laga maamuli jiray dalka kenya.

Lama sheegin sababta xilka qaadistaas keentay hayeeshee warar ayaa sheegaya in isbadelo la sameeyey uu qeyb ka noqday.

Agaasimaha cusub ee Wasaarada Gaashaandhiga shalay loo magacaabay ayaa isagu ku heyb Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa la filayaa in mas’uuliyiin dhowr ah iyaguna xilka qaadis wajihi karaan xilli dalku ku jiro marxalad kala guur ah oo ay aheyd in xilal la magacaabin xilna qof laga qaadin.