Madaxweyne Lafta gareen oo magacaabis sameeyey (Digreeto)

0

Lafta Gareen2 696x464 696x464

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa magacaabay Gudoomiye ku-xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in markii uu Madaxweynaha dhegaystay talo soo jeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Koonfur Galbeed, isla markaana uu tixgeliyay aqoonta uu u leeyahay howshan, uu Cumar Daa’uud Khaliif u magacaabay in uu noqdo Guddoomiye ku xigeenka Gargaarka iyo Samafalka ee Gobolka Bakool.

Madaxweyne C/casiis lafta gareen ayaa faray mas’uulkaan la magacaabay inuu si hufan u guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

193711544 4217624104986319 1575964892857176484 N