Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa gaaray magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, si uu ugu kuurgalo saameynta ay fatahaadaha webigu ku yeesheen magaalada iyo sidii loogu gurman lahaa.
Soo dhaweyn kadib waxaa ay wafdiga Rooble hogaaminayey kormeereen deegaanada fatahaada webiga saameynta ku yeeshay Jowhar iyo tuulooyinka ku dhaw.
Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe iyo xubno katirsan Maamulkiisa ayaa soo tusay Ra’iisal Wasaaraha Wafdigiisa deegaanada ugu daran ee mashaqada daadadku saameeyeen.