Al Shabaab oo sheegtay in dib uqabsadeen deegaanadii Sh/Dhexe

0

Alshabab Hamza13 1024x559

Iyadoo maalmahii lasoo dhaafay ciidanka xoogga dalka ay howlgal ka sameeynayeen deegaanka Warta-Jilable ee gobolka Shabeelaha dhexe, ayaa waxay Dawladu sheegtay in halkaasi lagu dilay ku dhawaad 100 ka mid ah dagaalyahanada Al Shabaab sidoo kalena lagu dhaawacay tiro intaasi ka badan.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa waxay sheegeen in howlgallo weli ka wadaan deegaanada howdka ah ee udhow deegaanka Warta Jilable.

Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka Korneel Cali Xaashi, ayaa  sheegay in khasaare xoogan uu soo gaaray Al-shabaab islamarkaasna meeydadkooda lagu arkay goobihii lagu dagaalamay.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay in dib uqabsadeen deegaanno hoos yimaad degmooyinka Jowhar,Raaga Ceelle iyo Mahadaay.

Tuulooyinka kala ah Warciise,Qoordheere iyo Wararaxleey ayey sheegeen in ciidamada Dawlada iskaga baxeen oo ay dib ula wareegeen.

Dagaalkii khamiista oo socday muddo 6 saacadood xiriir ah ayaa labada dhinaca Ee Ciidanka Xoogga iyo Al Shabaab mid walbo sheeganayaa in guulo ka gaaray,inkastoo warar ka madax banaan dhinacyadaasi jirin oo xaqiijin karta xogaha rasmiga Dagaalkaasi ah.