Axmed Madoobe oo baaq udiray Taliska AMISOM ee jooga Jubbaland

0

196054277 2680523492240096 421007237615138035 N

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Aqalka martida kulan kula qaatay Taliyaha qeybta labaad ee howlgalka AMISOM ee ka howlgala deegaanada Jubaland Jeneraal Jeff Nyagah iyo masuuliyiin kale oo katirsan howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha iyo Sarakiishan uu Taliyaha hogaaminayay ayaa kulanka kaga  hadlay howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sidii loo dardar galin lahaa isla markana la isaga kaashan lahaa howlgalada wadajirka ah.