Duqa Muqdisho Oo maanta dhagax dhigay Xarunta cusub Ee…

0

197253751 2893639910874749 736857947815182131 N

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) oo ay wehliso Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta dhagax-dhigay MCH loogu tala galay Hooyada iyo Dhalaanka kaasi  oo laga dhisaayo Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho.

Xaruntaan oo dhismaheeda ay qaadan doonta muddo gaaban ayaa loogu adeegi doonnaa Hooyada iyo Caruurta Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir gaar ahaan Degmada Xamarweyne iyo Degmooyinka ku teedsan.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ee ka go’an tahay sidii Bulshada loo gaarsiin lahaa Adeegyada Aas-aasiga ah, Qorshaha iyo Hiigsiga Maamulkana uu yahay sidii Bulshada Caasimada ay u heli lahaayeen Adeeg Caafimaad oo dheeli tiran.

192938526 2893640094208064 6976596186472494583 N

194769349 2893640050874735 244696712377941688 N
194945099 2893639954208078 6320907774836906175 N

197072396 2893640244208049 5309149190060170827 N

197253751 2893639910874749 736857947815182131 N

197484442 2893639977541409 2870891293092222828 N