Qarax Ismiidaamin ah oo duhurnimadii maanta ka dhacay Muqdisho

0

War goordhaweyd kusoo dhacay warqabadkeena ayaa sheegaya in qof ismiidaamiyey uu ka dhacay Degmada Dharkiinleey gaar ahaan Xaafada macalin nuur.

Qaraxa oo warar kala duwan kasoo baxayaan ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya.

Weli khasaaraha lama ogaan karo hayeeshee in qof walxaha qarxa ku xirnaa uu ismiidaamiyey ayey warar lagu kalsoon yahay inoo sheegeen.

Warar ayaa sheegaya in mooto waxyaabaha qarxa ku xirdhaayeen ay ismiidaamiyeen.

Shacab meesha ka dhawaa ayey waxyeelo soo gaartay inkastoo weli inta uu la eg yahay la ogeyn,iyadoo xaaladu weli cakiran tahay.

Wixii soo kordho insha allaah dib kala socda