Dawlada Soomaaliya oo dhaliishay Doorashadii ka dhacday Soomaaliland

0

191230174 4651072174907492 2197221459671611512 N

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dawlada Federaalka Soomaaliya Xaniifa Maxamed Xaabsade ayaa waxay ka hadashay doorashadii ka dhacay Soomaaliland maalmo ka hor.

Natiijada kasoo baxday Goleyaasha Deegaanka iyo Tan Wakiilada ayaa waxa laga waayey Xubin Dumar ah taas oo Wasaarada Haweenka Soomaaliya ay dhaliishay doorashadii dhacday.

“Doorashada qof iyo codka ah ee Somaliland, 82 kursi oo Barlamanka loo tartamay hal dumar ah kama soo bixin  . Sidoo kale 221kursi oo golayaasha deegaanka ah haweenku keliya waxay heleen sadex  xildhiban deegaan!. Waxaa kadhacay doorasho rag iyo cod ah oo bulshada u dhamayn waxaa baariis u baahan arintaan waxa keenay ? Iyo sababta haweenka doorasha qof iyo cod saamayn uga yeelan waayeen”.

Mas’uuliyiin katirsan Dawlada Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Doorashada ka dhacday Soomaaliland,Wasiirka Gar gaarka Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Agaasimaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa bogaadiyey guusha uu gaaray Barkhad Jaamac Batuun.