DHAGEYSO: Liiska xubnihii NISA Katirsanaa oo laga saaray Gudiga Doorashada

0

196106600 4120177581410369 3204941465715614857 N

Guddigaan Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xalay saqdii dhexe waxay ku dhawaaqeen in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka heerarkooda kala duwan.

Kadib kulan ay muddo lahaayeen iyo dabagal ay ku sameeyeen ashtakada laga muujinayey xubnaha qaarkood ayey Guddiga Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka waxay shaaciyeen in 34 qof oo ka mid ah xubnihii la soo magacaabay ay baaritaan dheer kadib lagu helay eedii loo soo jeediyey lagana saaray Liiska.

Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in xubnahaasi la saaray dib loogu diray maamul goboleedyadii soo magacaabay iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha si loo soo magacaabo badelkooda.

Iyadoo muddo 48 saacadood gudahood ah laga sugayo ay ku soo magacaabaan xubnihii badali lahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay.

Liiska Guddiyada Doorashooyinka ayaa ka koobnaa 67 xubnood,waxaase 34 ka mid ah la sheegay in laga saaray ayna soo gudbiyeen murashaxiinta mucaaradka dhawaan,si loo guda galo doorashada ayaana la sugayaa in maamul gobolleedyada inay soo dhameystiraan xubnahaasi bedelkooda.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA